Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Manchester United oo ku biirtay loollanka loogu jiro saxiixa xiddiga PSG ee Marco Verratti

$
0
0

(Manchester) 26 Maarso 2022. Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa lasoo warinayaa inay kusoo biirtay raacdada loogu jiro saxiixa xiddiga khadka dhexe kaga ciyaara naadiga Paris Saint-Germain ee Marco Verratti sida laga soo xigtay warsidaha Isbaanishka ah ee Fichajes.

Warsidaha ayaa intaas ku daray in Man United ay ka mid tahay saddex naadi oo doonaya inay 29-sano jirkan ka kaxeeyaan garoonka Parc des Princess.

Red Devils ayaa xal u raadineysa khadkeeda dhexe iyadoo dooneysa inay xiddigo waaweyn kusoo kordhiso suuqa xagaaga, waxaana la warinayaa inay isu diyaarineyso u dhaqaaqista matoorka khadka dhexe ee xulka qaranka Taliyaaniga.

Si kastaba ha ahaatee, mustaqbalka Verratti ayaa shaki la gelinayaa inkastoo ay 10 sano u noqon doonto muddada uu PSG ka tirsan yahay xagaagan maadaama ay kooxda Faransiiska ka dhisan ay xiddigan kala soo wareegtay kooxda Pescara ee dalka Taliyaaniga xagaagii 2012.

Raace-dhisahan ayaa ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan PSG 10-kii sano ee lasoo dhaafay isagoo u saftay 371 isla markaana u dhaliyay 11 gool waxaana uu caawiyay 59 kale.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles