(Barcelona) 27 Maarso 2022. Xidigii hore Barcelona ee Cesc Fàbregas ayaa kaga nixiyay nixiyay jamaahiirta kooxda Catalonia arrimo ku saabsan saxiixa ay filayaan ee xiddiga reer France iyo naadiga Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappé, oo la filayo inuu PSG kaga dhaqaaqo beeca xurta ah kaddib marka uu dhammaado qandaraaskiisa bisha June ee soo socota.
Cesc Fàbregas ayaa wareysi uu bixiyay maanta oo Axad ah wuxuu ku sheegay in Kylian Mbappé uu ku biiri doono kooxda Real Madrid, isagoo xusay in Los Blancos ay muddo dheer raadinasey saxiixiisa.
Wargeyska Marca ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Xidigii hore Barcelona ee Cesc Fàbregas, wuxuuna yiri:
“Waxaan u maleynayaa in Kylian uu u dhaqaaqi doono Real Madrid.”
“Ka ciyaarista garoonka Santiago Bernabéu waxay u fiicnaan lahayd isaga, horyaalka Spain ayaa noqon doono albaabka uu ku jabin doono rikoorada oo dhan.”
Gool FM.