(Barcelona) 28 Maarso 2022. Daafaca dambeedka midig ee reer Brazil iyo kooxda Barcelona Dani Alves, xiddigaha uu ugu jecel yahay kuwaasoo ay isku boos ka ciyaara wakhtigan la joogo.
Laacibka reer Brazil ee Dani Alves ayaa ah mid ka mid ah ciyaartoyda ugu muhiimsan uguna weyn ee ka soo ciyaaray booskaan taariikhda, iyada oo Barcelona loogu caleemo saaray xilliyadii lasoo dhaafay ku guuleysiga tartamo kala duwan.
38-jirka Dani Alves ayaa u doortay seddexda ciyaaryahan ee ugu cad-cad booska daafaca midig,Trent Alexander-Arnold ciyaaryahanka Liverpool, Achraf Hakimi oo Paris Saint-Germain ah, iyo Reyes James oo ka tirsan kooxda reer London ee Chelsea.
Xiddiga reer Brazil ee Dani Alves ayaa u sheegay FourFourTwo: “Aad ayaan ula dhacsanahay qaab ciyaareedka Trent Alexander-Arnold. Waa ciyaaryahan weyn, ninkani wuxuu leeyahay xirfado heer caalami ah.”
“Waxaan sidoo kale jeclahay daawashada Reyes James iyo Achraf Hakimi, waa xiddigo gaar ah.”
“Way caddahay in saddexda Alexander-Arnold, Reyes James iyo Reyes James ay leeyihiin sifooyin kala duwan oo midba midka kale ah, laakiin dhammaantood waxay yaqaanaan sida shaqada loo qabto.”
Gool FM.