(Paris) 31 Mar 2022. Kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ayaa la soo warinayaa inay ku soo biirtay haatan tartanka loogu jiro saxiixa Antony, kaasoo ay wada doonayaan inta badan kooxaha waa weyn ee qaaradda Yurub.
Warsidaha Le 10 Sport ayaa daabacay in kooxda reer France ee PSG ay ku soo biirtay baacsiga loogu jiro xiddiga naadiga Ajax ee Antony.
Kooxaha Manchester United iyo Bayern Munich ayaa sidoo kale tartan ugu jira saxiixa 22-sano jirkaan, kaasoo qandaraaskiisa Johan Cruyff ArenA uu ku eg yahay ilaa 2025.
PSG ayaa horay dalab uga gudbisay Antony ka hor suuqa xagaaga, waxaana haatan ay wadahadallo kula jiraan wakiilladiisa.
Antony oo ka ciyaara garabka midig ee weerarka ayaa dhaliyay 12 gool, waxaana uu sameeyay 10 caawin 33 kulan oo uu u saftay Kooxda Ajax xilli ciyaareedkan.
Gool FM.