Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Xulka Brazil oo booska koowaad kala baxay Belgium & France oo kaalinta saddexaad ka galay qiimeynta billaha xulalka adduunka ee FIFA … (Kaalintee ayuu ku jiraa xulkeenna Soomaaliya?)

$
0
0

(World) 31 Mar 2022. Xiriirka kubadda cagta Adduunka ee FIFA ayaa shaaciyey qiimeynta billaha ah ee kala sarreynta xulalka Adduunka, waxaana kaalinta koowaad ka soo muuqday xulka qaranka Brazil.

Brazil ayaa sare u kac weyn sameeyey ayaa booska koowaad kala baxay xulka qaranka Belgium oo bilihii ugu dambeeyey kaalinta koowaad kaga jiray qiimeynta billaha xulalka Adduunka ee FIFA.

Xulka qaranka France ee ku guuleystay koobkii Adduunka 2018 ayaa kaalinta saddexaad soo muuqday qiimeynta, xulka Argentina ayaa kaalinta afaraad ku jira, halka xulka England uu soo galay kaalinta shanaad.

Qaranka Talyaaniga oo ku guuldarreystay inuu aado koobka Adduunka ee Qatar 2022 ayaa soo tiigsaday kaalinta lixaad.

Xulka qaranka Spain ayaa xirtay booska todobaad, halka Cristiano Ronaldo xulka uu kabtanka u yahay ee Portugal uu booska siddeedaad ka soo muuqday.

Xulalka Mexico iyo Netherlands ayaa dhammaystiray tobanka sare ee qiimeynta billaha ee xulalka adduunka ee FIFA.

Dhanka kale xulkeenna Soomaaliya ayaa hoos u dhac sameeyey waxaana uu soo galay kaalinta 202-aad, kaddib markii uu muddo ku jiray kaalinta 195-aad, waxaana uu haatan dalkeennu ka sarreeyaa kaliya sagaal xul oo uu ku jiro Waddanka Eritrea.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles