Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Kylian Mbappe oo markale su’aal laga weydiiyay mustaqbalkiisa Paris Saint-Germain & Xanta la xiriirineysa Real Madrid

$
0
0

(Paris) 04 Abriil 2022. Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe ayaa shaki weyn laga gelinayaa mustaqbalkiisa ciyaareed ee suuqa xagaagan maadaama uu dhammaadka xilli ciyaareedkan dhici doono qandaraaskiisa Parc des Princess.

Laacibkan oo xalay dhaliyay labo gool, saddex kalena caawiyay kulankii ay kooxdiisa PSG 5-1 ku garaacday naadiga Lorient ayaa kaddib ciyaarta la weydiiyay arrimaha mustaqbalkiisa iyo suuro-galnimada uu kusii joogi karo kooxda ka dhisan caasimadda dalka Faransiiska.

“Haddii aan go’aan qaatay, waan sheegi lahaa” ayuu u sheegay Amazon Prime, waxaana uu intaas ku daray: “cidna uma aanan jawaabin, haddii aan go’aan qaadanayana aniga ayaa leh masuuliyadda wax wanaagsan iyo wax xun.

“Ma haayo wax aan qariyo, waayo cidna ma dilin, kaliya waxaan u baahanahay inaan qaato go’aanka ugu wanaagsan ee aan qaadan karo.

“Wali waan ka fikirayaa waayo waxaa jira waxyaabo cusub, waxaan rabaa inaan sameeyo doorashada ugu wanaagsan, inaan PSG sii joogana dabcan way dhici kartaa” ayuu hadalkiisa ku daray 23-sano jirka reer France.

Mbappe ayaa ku jira maalmihii ugu dambeeyay qandaraaskiisa kooxda Paris Saint-Germain, waxaana si weyn loola xiriirinayaa inuu u dhaqaaqo kooxda Real Madrid taasoo aanan la baqan xiisaha ay u heyso laacibkan kaddib markii ay xagaagii hore saddex jeer isku dayday saxiixiisa.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles