Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Madaxweynaha dalka Faransiiska iyo Amiirka dalka Qatar oo soo faro-galiyay arrimaha mustaqbalka Kylian Mbappe

$
0
0

(Paris) 06 Abriil 2022. Sida lagu helayo wararka ka imaanaya dalka Faransiiska, madaxweynaha dalkaas ee Emmanuel Macron ayaa si shakhsi ah usoo faro-geliyay go’aanka mustaqbalka weeraryahanka kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe.

Mustaqbalka Mbappe ee kooxda PSG ayaa shaki weyn la gelinayaa maadaama qandaraaskiisa garoonka Parc des Princess uu dhici doono dhammaadka bisha June ee sanadkan, waxaana suxufiga Faransiiska ah ee Romain Molina uu sheegay in Macron uu isku dayayo inuu laacibka xulka France ka dhaadhiciyo inuu sii joogo kooxdiisa isla markaana uu qandaraas cusub qalinka ku duugo.

Madaxweynaha Faransiiska oo haatan ku jira ole’olahiisa doorashada ayaa Mbappe u arka hanti muhiim u ah dalkiisa iyo midka ugu wanaagsan jiilkiisa, waxaana uu doonayaa inuu laacibkan baaqi kusii ahaado horyaalka Ligue 1 taasoo dhabar-jebineysa damaca naadiga Real Madrid ee ku aaddan saxiixa 23-sano jirkan.

PSG: Mbappé did not meet the Emir of Qatar during his stay in Doha - Archyde

Intaas kaliya kuma eka e, dowladda dalka Qatar ayaa ka shaqeyneysa inay Mbappe ka dhaadhiciyaan inuu qandaraas cusub u saxiixa kooxda PSG, waxaana suxufiga warkan baahiyay ee Molina laga soo xigtay in amiirka dalkaas ee Sheekh Tamiim bin Xamaad-ka labaad uu si shakhsi ah ula xiriiray ku guuleystaha Koobka Adduunka si uu uga dhaadhiciyo sii joogista Parc des Princess.

Si kastaba ha ahaatee, sanduuqa maal-gelinta isboortiga dalka Qatar ee iska leh mulkiyadda naadiga ka dhisan caasimadda Faransiiska ayaa dariiq walba u maraya inay sii heystaan Mbappe iyagoo u diyaarinaya qandaraas uu ku noqon doono xiddiga ugu mushaharka sarreeya kooxda Paris sanadaha soo aaddan.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles