(Paris) 11 Abriil 2022. Weeraryahanka xirfadda badan ee Neymar Jr ayaa lasoo warinayaa inuu mustaqbalkiisa u hibeeyay kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain xilli dhowaanahan shaki badan la gelinayay mustaqbalkiisa Parc des Princess.
Xanta ku aaddan inuu laacibkan reer Brazil ka tago kooxda Paris ka dhisan ayaa qabsatay warbaahinta ka faaloota arrimaha suuqa kala iibsiga ciyaartoyda kubadda cagta kaddib markii PSG lagu reebay wareegga 16-ka tartanka Champions League, waxaana la sheegay in 30-sano jirkan uusan ku faraxsaneyn xaaladda markaas jirtay.
Si kasta ha noqotee, wargeyska L’Equipe ayaa sheegay inay PSG iyo Neymar ku heshiiyeen inuu sii joogo kooxda inta uu heysto qandaraaskiisa kaasoo dhici doona xagaaga 2025.
Inay Paris sii heysato Neymar ayaa waxaa la sheegay inay sabab u tahay inay aad uga cabsi qabto inuu bilaash xagaagan kaga tago weeraryahankeeda kale ee Kylian Mbappe kaasoo qandaraaskiisu uu ku eg yahay dhammaadka bisha June iyadoo si weyn loola xiriirinayo u dhaqaaqista naadiga Real Madrid.
Neymar ayaa dib u helay qaab ciyaareedkiisa cajiibka ah isagoo shan gool dhaliyay labadiisii ciyaarood ee ugu dambeysay, waxaana ku jira saddexley uu ka dhaliyay naadiga Clermont kulankii ka tirsanaa horyaalka Ligue 1 ee dhacay Sabtidii, waxaana goolashaas ay wadarta guud ee goolashiisa PSG ka dhigeen 97 gool oo uu dhaliyay kaddib 139 ciyaarood oo uu saftay tan iyo markii uu kasoo tagay Barcelona xagaagii 2017.
Gool FM.