Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Chelsea, Arsenal, Manchester City, Real Madrid, PSG, Juventus & Guud ahaan kulammada caawa la ciyaarayo

$
0
0

(Yurub) 20 Abriil 2022. Kulamo waa weyn ayaa caawa lagu ballasan yahay in la ciyaaro waxaana qeyb ka ah horyaallada waa weyn ee Yurub sida Premier League, La Ligaha Spain iyo Ligue 1-ka Faransiiska.

Chelsea iyo Arsenal ayaa isku qaban doona galbeedka Magaalada London kulan ku tirsan horyaalka Premier League, halka Manchester City oo doonaysa inay dib ugu soo laabato hoggaanka horyaalka Premier League ay qaabilayso Brighton & Hove Albion.

Real Madrid ayaa kulan qeyb ka ah horyaalka La Liga waxa ay booqanaysaa caawa naadiga Osasuna, halka Atletico Madrid ay soo dhoweynayso Granada.

Paris Saint-Germain ayaa booqanaysa kooxda Angers kulan u xaqiijin kara hanashadeeda horyaalka Ligue 1, iyadoo kulankan uu ka maqan yahay kooxda ka dhisan caasimadda Faransiiska Lionel Messi oo dhaawacan.

Dhanka kale Juventus iyo Fiorentina ayaa isku dheggan oo wada ciyaari doona kulan ka tirsan Coppa Italia.

Haddaba halkaan hoose ka eeg guud ahaan kulammada la ciyaari doono caawa & saacadaha ay soo geli doonaan xilliga geeska Afrika:-

Premier League

09:45 Habeennimo Chelsea vs Arsenal

09:45 Habeennimo Everton vs Leicester City

09:45 Habeennimo Newcastle United vs Crystal Palace

10:00 Habeennimo Manchester City vs Brighton & Hove Albion

LaLiga Santander

08:00 Habeennimo Atletico Madrid vs Granada

09:00 Habeennimo Celta Vigo vs Getafe

10:30 Habeennimo Osasuna vs Real Madrid

Ligue 1

08:00 Habeennimo Bordeaux vs Saint-Etienne

08:00 Habeennimo Lorient vs Metz

08:00 Habeennimo Monaco vs Nice

08:00 Habeennimo Reims vs Lille

08:00 Habeennimo Troyes vs Clermont Foot

10:00 Habeennimo Angers vs Paris Saint-Germain

10:00 Habeennimo Brest vs Lyon

10:00 Habeennimo Lens vs Montpellier

10:00 Habeennimo Marseille vs Nantes

10:00 Habeennimo Strasbourg vs Rennes

Coppa Italia

10:00 Habeennimo Juventus vs Fiorentina

DFB Cup

09:45 Habeennimo RB Leipzig vs Union Berlin

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles