(Yurub) 24 Maajo 2022. Waxaa la xaqiijiyey illaa iyo haatan kooxaha u soo baxay heerka guruubyada Champions League xilli ciyaareedka soo aaddan ee 2022/23.
Afarta kooxood ee u dhammaysa kaalimaha afarta sare ee horyaallada Premier League, La Liga, Serie A iyo Bundesliga ayaa la xaqiijiyey inay soo gudbeen, sidoo kale waxaa raaci doona min labada kooxood ee halka ugu sarreysa kaga dhammaystay horyaallada France iyo Portugal.
Kooxaha ku soo guuleystay horyaallada Netherlands, Belgium iyo Austria ayaa sidoo kale u soo baxay heerka guduubyada Champions League kal ciyaareedka soo aaddan.
Illaa iyo haatan waxaa xaqiijiyey booskooda ka qeyb-galka Champions League ee xilli ciyaareedka soo socda 26 kooxood, iyadoo ay ka harsan yihiin inay 32 kooxood dhammaystiraan kaliya lix naadi.
Haddaba halkaan hoose ka eeg kooxaha illaa iyo haatan xaqiijiyey ka qeyb-galkooda Champions League xilli ciyaareedka soo socda illaa iyo haatan iyo dalalka ay ka kala socdaan:-
KOOXDA | WADDANKA |
---|---|
Liverpool | England |
Manchester City | England |
Chelsea | England |
Tottenham Hotspur | England |
Real Madrid | Spain |
Barcelona | Spain |
Atletico Madrid | Spain |
Sevilla | Spain |
AC Milan | Italy |
Inter | Italy |
Juventus | Italy |
Napoli | Italy |
Bayern Munich | Germany |
RB Leipzig | Germany |
Bayer Leverkusen | Germany |
Borussia Dortmund | Germany |
Paris Saint-Germain | France |
Marseille | France |
Porto | Portugal |
Sporting | Portugal |
Ajax | Netherlands |
Club Brugge | Belgium |
Red Bull Salzburg | Austria |
Celtic | Scotland |
Shakhtar Donetsk | Ukraine |
Eintracht Frankfurt | Germany |
Gool FM.