(Paris) 27 Maajo 2022. Xiddiga kooxda Paris Saint-Germain ee Lionel Messi, ayaa muujiyay sida uu uga careysan yahay hadaladii ka soo yeeray Madaxweynaha Barcelona ee Joan Laporta, ee ku saabsanaa fursadaha uu xiddiga reer Argentina ugu soo laaban karo garoonka Camp Nou.
Laporta ayaa dhawaan sheegay in qof walba uu doonayay in Messi uu mustaqbalkiisa ciyaareed ku soo gabagabeeyo kooxda Barcelona, isla markaana bixitaankiisa aysan sabab u ahayn shuruudaha dhaqaale wanaaga ee horyaalka La Liga, balse ay tahay dalab ka yimid Paris Saint-Germain.
Wararka ayaa xaqiijiyay in aabaha dhalay Lionel Messi ee Jorge Messi, uu aad uga carooday hadalka Joan Laporta, wuxuuna ka codsaday in aanu haba yaraatee xusin magaca wiilkiisa xilliyada soo socda.
Lionel Messi ayaana markan go’aansaday inuu aamusnaanta ka baxo oo uu si toos ah ugu jawaabo Laporta markan, isagoo caddeeyay in hadalkiisa uu yahay mid lagu marin habaabinayo taageerayaasha Barcelona, maadaama uu aaminsan yahay inay su’aal ka keenayaan daacadnimadiisa kooxda reer Catalonia.
Sida uu u fiyay wargeyska Mundo Deportivo ee dalka Spain Lionel Messi ayaa u jawaabay madaxweynaha kooxda Barcelona, wuxuuna yiri:
“Qofna igama codsan in aan si bilaash ah ugu ciyaaro.”
“Balse waxaan arkayaa in hadalada madaxwaynuhu aanay ku haboonayn.”
“Way i xanuunjinayaan, sababtoo ah waxay ila tahay inaysan ku habooneyn inuu sidaas sheego.”
Gool FM.