(Paris) 31 Maajo 2022. Weeraryahanka kooxda Paris Saint-Germain ee Lionel Messi oo waraysi uu dhawaan bixiyay kaga hadlay waxyaabo badan oo ay ku jiraan Champions League iyo Abaal-marinta Ballon d’Or.
Xiddiga xulka qaranka Argentina ee Leo Messi ayaa aragti ka dhiibtay guushii Champions League ee kooxda uu muddada dheer la soo xifaaltamayay ee Real Madrid.
Kooxda reer Spain ee Real Madrid ayaa Sabtidii waxa ay ku guuleysatay Koobka horyalladda Yurub ee Champions League markeedii 14-aad, kaddib markii ay garaaceen Liverpool.
Haddaba Messi oo wareysi siinayay TyC sports ayaa sheegay in Real Madrid aysan ahayn kooxdii ugu fiicnayd Champions League haddana ay ku guuleysatay tartanka.
Lionel Messi ayaa yiri: “Marka laga hadlayo Champions League uma baahnid inaad ahaatid kooxda ugu fiican, waxaa jira xaalado, xilliyo iyo arrimo nafsi ahaaneed, qaladka ugu yar ayaana tartanka kaa saari kara.
“Aniga oo aan u gafeynin sumcaddeeda, Real Madrid ma’aysan ahayn kooxdii ugu fiicnayd tartanka, haddana waa ay wada garaacday dhammaantood.
Real Madrid ayaa soo reebtay kooxo ay ka mid ahaayeen PSG, Chelsea, Man City iyo Liverpool si ay ugu guuleysato Champions League, laakiin Messi waxa uu rumeysan yahay inaysan ahayn Los Blancos kooxdii ugu fiicnayd tartankaas.
Dhinaca kale Kabtankii hore ee Barcelona Lionel Messi ayaa ka hadlay abaal-marinta kubadda dahabka ah ee Ballon d’Or, waxaana uu xusay inuu u qalmo sanadkan weeraryahanka kooxda Real Madrid ee Karim Benzema.
“Benzema waa uu uqalmaa Ballon d’Or, taas shaki kuma jiro.” ayuu hadalkiisa ku daray Leo Messi.
Gool FM.