(Turin) 31 Maajo 2022. Kooxda kubadda cagta Juventus ee dalka Talyaaniga ayaa la soo warinayaa inay ku dhow dahay inay la saxiixato labada ciyaaryahan ee Paul Pogba iyo Angel di Maria oo ay labadaba kula wareegayso beeca xorta ah.
Wararka laga helayo gudaha Talyaaniga ayaa sheegaya in Juventus ay qarka u saaran tahay inay qaadato Paul Pogba, sidoo kalena ay ku dhow dahay inay soo qaadato Angel di Maria.
Labada ciyaaryahan ee Pogba iyo Di Maria ayaa heshiisyadooda ay kula jiraan kooxaha Manchester United iyo Paris Saint-Germain waxa ay ku eg yihiin bisha June, taasoo ka dhigan inay xor noqon doonaan oo ay ku biiri doonaan kooxdii ay doortaan.
Xiddiga xulka qaranka Argentina ee Di Maria ayaa ku wargeliyey kooxda Faransiiska ee PSG inuu ka tagayo, halka Pogba la filayo inuu ka tago garoonka Old Trafford marka uu dhammaado heshiiskiisa haatan ee gabagabada ku dhow.
Juventus ayaa ugu cad-cad saxiixa Pogba, kaasoo ay u soo bandhigeen heshiis saddex sanadood ah oo uu xilli ciyaareedkii kooxda ka dheesha horyaalka Serie A kaga qaadanayo 10 milyan oo gini.
Kooxda reer talyaani ayaa la sheegayaa in ay ku kalsoontahay in heshiiska ay ku doonayso laacibkan khadka dhexe uu dhici doono dhowaan, waxaana Wargayska Gazzetta dello Sport uu sheegay inuu dhaw yahay inuu dhaco heshiis u dhaxeeya Juve iyo Pogba.
Sida laga soo xigtay Gazzetta, Pogba ayaa laga yaabaa in lagu dhawaaqo inuu yahay ciyaaryahan Kooxda Juventus ah isbuucaan.
Sidoo kale Kooxda Juventus ayaa indhaha ku haysa inay beeca xorta ah kula wareegto Di Maria oo ka tagaya PSG kaddib todobo sanadood oo uu ku qaatay caasimadda Faransiiska.
Gool FM.