Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Mbappé oo kahor istaagaya Real Madrid inay la soo wareegto bar-tilmaameedkeeda ugu muhiimsan suuqa xagaaga

$
0
0

(Manchester) 02 Juun 2022. Wargeyska Isbaanishka ee “Marca” ayaa sheegay in xiddiga reer France iyo kooxda Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappé, uu faragalin ku sameyn doono iskuna dayi doono inuu ku qanciyo xiddiga khadka dhexe naadiga Monaco ee Aurélien Tchouaméni, inuu u dhaqaaqo PSG xagaagan.

Kylian Mbappé ayaana go’aansaday inuu ka sii mid ahaado Paris Saint-Germain oo uu iska iloobo riyadii Real Madrid, taasoo uu sanado badan sugay sababo kala duwan, waxayna u muuqataa in hadda uu isku bedeli doono qofka loogu neceb yahay gudaha qalcadda Los Blancos.

Wargeysku waxa uu tilmaamay in Kylian Mbappé, oo helay awoodo waaweyn oo uu ku cabiro ra’ayigiisa ku aaddan heshiisyada la filayo, uu aad ugu faraxsan yahay fikradda qandaraaska ee Aurélien Tchouaméni, waxana uu ka shaqayn doonaa sidii uu ugu qancin lahaa inuu ku biiro Paris.

Wargeyska Marca ayaa sharraxay in Paris Saint-Germain ay diyaar u tahay saxiixa xiddiga khadka dhexe naadiga Monaco, sida ay muujinayaan warbixinnada saxafiyiinta, waxayna diyaar u yihiin inay bixiyaan qiimo dhan 100 million euros, si ay ula soo saxiixdaan Tchouaméni, kaasoo noqday bartilmaameedka ugu muhiimsan ee Paris waqtigan.

Tchouameni, el jugador más en forma: el objetivo del Madrid, por delante de  Lewandowski y Mbappé

Wargayska ayaa intaa ku daray in Mbappé uu si buuxda uga warqabo heerka ay gaarsiisan tahay tayada uu Tchouaméni leeyahay, wuxuuna ka shaqayn doonaa inta uu la joogo xulka qaranka si uu ciyaartoyga ugu qanciyo fikradda uu ugu wareegayo Paris.

Dhanka Real Madrid, waxaa sidoo kale jira Karim Benzema iyo Eduardo Camavinga, kuwaasoo ku dhawaaqay isku dayga ay ku doonayaan inay ku qanciyaan Tchouaméni, fikrada uu ugu ciyaarayo maaliyada cadaanka ah ee Real Madrid, sidaas darteed waxaan markhaati ka noqon doonaa dagaal kulul ee u dhexeeya Real iyo Paris oo ku saabsan adeega da’ayarka reer France.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles