(Manchester) 02 Juun 2022. Sida laga soo xigtay wargeyska The Athletic, tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa isku dayaya inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaaga, inuu la soo saxiixdo xiddiga reer France ee Paul Pogba.
Manchester United ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday shalay oo Arbaca ah inay kala dhammaadeen xiddigha khadka dhexe reer France ee Paul Pogba, iyada oo qandaraaskiisa koooxda uu dhacayo dhammaadka bishaan June, taasoo ka dhigeysa inuu diyaar u yahay inuu ugu dhaqaaqo koox kale beeca xurta ama lacag la’aan.
Haddaba macalinka reer Spain ee iyo kooxda Manchester City ee Guardiola ayaa la dhacsan awooda ciyaareed Pogba, wuxuuna doonayaa inuu la saxiixdo, si uu ugu xoojisto awooda khadka dhexe City xilli ciyaareedka soo socda.
Sidaas darteed tababaraha reer Catalonia ayaa wuxuu u dhaqaaqay oo si shaqsi ah ula kulmay ciyaaryahanka isagoo isku dayaya inuu ka qanciyo fikradda uu ugu biirayo garoonka Etihad.
Pep Guardiola ayaa u soo bandhigay Pogba dalabka Man City, xiddiga reer France-na wuxuu ogaaday faahfaahinta dalabka, laakiin wuu ka baqayaa inuu aqbalo ilaa hadda, sababa la xiriira inuu ka war qabo in Man City ay tahay koox daris la ah United-ka isla markaana ay xilfaltamaan.
Pogba ayaa ka cabsi qaba in uu isku badalo khaa’in isla markaana ay qabtaan indhaha jamaahiirta Manchester United, isaga oo ku biiraya Man City, oo uu hoggaamiyo Guardiola, laakiin xiddiga reer France ayaan ilaa hadda ka jawaabin dalabka Pep, inuu ogolaaday ama inuu diiday.
Gool FM.