(Lyon) 09 Juun 2022. Kooxda reer France ee Lyon ayaa si Rasmi ah u shaacisay inuu dib ugu soo laabatay xiddigeedii hore ee Alexandre Lacazette kaas oo kaga soo biiray naadiga Arsenal.
Arsenal ayaa ku dhawaaqday maalmo kahor in Alexandre Lacazette uu si rasmi ah uga tagay kooxda ka dhisan London, taasoo albaabka u furtay Lyon inay beeca xorta ah kula soo wareegto weeraryahanka reer France.
Arsenal ayaa la soo saxiixatay Alexandre Lacazette oo 31 jir ah, xagaagii 2017, lacag lagu qiyaasay 54 million euros ayuu xilligaas kaga soo biiray Lyon.
Alexandre Lacazette ayaa si fiican uga soo muuqday Arsenal, wuxuuna ahaa xiddiga weerarka Gunners waqti aan sahlanayn, wuxuuna go’aansaday inuu isaga tago Gunners xagaagan kaddib markii uu dhacay qandaraaskiisa.
Haddaba Lyon ayaa boggeeda rasmiga ah ee Twitter-ka waxay ku muujisay in kooxda ay la gashay xiddigeedii hore ee Alexandre Lacazette heshiis muddo saddex sano ah ilaa xagaaga 2025.
Waxaa xusid mudan in Alexandre Lacazette uu kala qeyb galay kooxdiisii hore ee Arsenal xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay 36 kulan, waxaana uu ku guuleystay inuu dhaliyay 6 gool islamarkaana wuxuu caawiyay 8 gool kale.
Gool FM.