(London) 10 Juun 2022. Wargeyska Jarmalka ee Bild ayaa sheegay in maamulka Chelsea ay xiiseynayaan saxiixa daafaca reer France kooxda Paris Saint-Germain ee Presnel Kimpembe, inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.
Kooxda Chelsea ayaa baadi goob ugu jirta daafac cusub oo u badali kara booskii uu kaga baxay daafaca reer Jarmal ee Antonio Rüdiger kaas oo go’aansaday in uu isaga tago Blues kadib markii uu qandaraaskiisu dhamaaday, wuxuuna beeca xurta ah ugu biiray naadiga Real Madrid.
Wargeyska ayaa tilmaamay in Presnel Kimpembe, oo 26 jir ah, uu xiiso weyn ka helayo madaxda Chelsea, maadaama ay u arkaan bedelka ugu wanaagsan ee Antonio Rüdiger.
Wargayska ayaa tilmaamay in tababaraha reer Germany ee Thomas Tuchel uu codsaday adeega Kimpembe, maadaama uu ku jiro liiska ciyaartoyda u sharaxan badalka Rüdiger.
Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan inay suurtogal tahay in Kimpembe ay markale midoobi karaan Thiago Silva, oo ay ka soo wada shaqeeyeen kooxda reer France ee Paris Saint-Germain.
Waxaa xusid mudan in Presnel Kimbebe qandaraaska uu kula jiro kooxdiisa haatan ee Paris Saint-Germain uu dhacayo xagaaga 2024-ka, xiddiga reer France ayaa kooxdiisa kala qeyb galay xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay 41-kulan, wuxuuna ku guuleystay inuu dhaliyo 2 gool, wuxuuna caawiyay 2 kale.
Gool FM.