(Spain) 10 Juun 2022. Halyeeyga reer Spain iyo kooxda Barcelona ee Carles Puyol ayaa tilmaamay xulalka uu u arko inay ku guuleysan karaan Koobka Adduunka ee Qatar.
Carles Puyol ayaa sheegay inuu u arko xulalka France, Spain, Brazil iyo Argentina inay yihiin xulalka ugu cadcad ee ku guuleysan kara Koobka Adduunka ee Qatar.
Puyol ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu si cad ugu sheegay in xulalka France, Spain, Brazil iyo Argentina, ay yihiin kuwa ugu cadcad Koobka Adduunka ee Qatar, wuxuuna yiri:
“Koobka adduunka waxa la qaban doonaa taariikh ka duwan sidii hore oo ma aha dhammaadka xilli ciyaareedka, sidaas darteed waan arki doonaa sida uu xaalka ciyaartoyda noqon doono.”
“Xulka France waa kan ugu cadcad ee ku guuleysan kara aniga ahaan, sababtoo ah wuxuu leeyahay tayo badan, waana koox isku dhafan.”
“Intaas kaddib, waxaa jira xulal kale, sida xulka qaranka Spain oo aan filayo in ay door weyn ka ciyaari karaan, laakiin anigu uma arko in uu yahay musharaxa ugu cad-cad, inkasta oo ay qeyb ka yihiin xiddigo dhalinyaro ah oo tayo fiican leh, iyo kuwa kale oo khibrad dheeraad ah u leh.”
Xulka saddexaad ee ugu cadcad inuu ku guuleysto Koobka Adduunka, sida uu qabo Puyol, waa xulka Brazil, oo mar walba heysta xiddigo waaweyn, isagoo xusay in xulka afaraad ee ugu cadcad inay ku guuleystaan uu yahay Argentina.
Carles Puyol oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu intaas ku daray:
“Argentina wax badan ayay horumartay waxayna ku dhawaatay in ay ku guulaysato koobab sanadihii ugu dambeeyay, sidii ay dhacday xagaagii horena waxa ay ku guulaysatay Copa America iyo waliba koobka Finalissima cup oo ay ka qaadeen Italy.”
“Tani waxay noqon kartaa fursadii ugu dambaysay ee koobka adduunka ay ugu guulaysan lahaayeen ciyaartoyda qaar, gaar ahaan Lionel Messi, oo anigu ma garanayo inuu doonayo inuu sii wato ciyaaraha caalamiga ah iyo in kale, laakiin taasi waxay ku xiran tahay isaga.”
Gool FM.