(Barcelona) 11 Juun 2022. Saraakiisha Barcelona ayaa ka dalbaday in daafaca Napoli ee Kalidou Koulibaly uu sugo ilaa kooxda reer Catalonia ay ka soo kabaneyso xaaladeeda dhaqaale xumi ee heysata, kahor inta aysan u gudbin dalab ay kula soo saxiixaneyso.
Napoli ayaa doonaysa in ay hesho 40 million euros si ay ugu ogolaato bixitaanka daafaceeda oo kooxda ku sugnaa 8 sano, waxaana loo arkayay hoggaamiyaha mustaqbalka kaddib bixitaankii Lorenzo Insigne.
Qandaraaska Kalidou Koulibaly wuxuu dhacayaa June 2023, Napoli ayaana la gaarin heshiis ay ku cusbooneysiiso qandaraaskiisa kooxda.
Sida laga soo xigtay “Football Italy”, waxaa jira wada xaajoodyo ay wado kooxda Paris Saint-Germain si ay u la saxiixato Koulibaly.
Dhinaca kale Chelsea waxay soo dhaweyneysaa in la siiyo mushaar sanadle ah oo gaaraya 10 million euros, laba jibaar waa mushaarka uu ka helo Napoli.
Si kastaba ha ahaatee, Barcelona ayaa weli ah dooqa koowaad ee Koulibaly, laakiin kooxda reer Spain ayaa ku dhibtoonaysa inay bixiso dhaqaale si ay ula saxiixato, sidaas darteed kooxda reer Catalonia ayaa ka codsatay daafaca reer Senegal inuu sugo inta u dhaxaysa laba ilaa saddex toddobaad, si ay u xaliso dhibaatooyinka dhaqaale ee heysta, isla markaana ay kaga gudbiso dalabka ay kaga soo qaadaneyso Napoli.
Gool FM.