(Yurub) 12 Juun 2022. Sida ay wararka xaqiijinayaan Paris Saint-Germain ay xiiseyneyso inay la saxiixato xiddiga reer Poland iyo kooxda Bayern Munich ee Robert Lewandowski.
Waxaa la og yahay in Barcelona ay xiiseyneyso saxiixa Robert Lewandowski, ciyaaryahanka qudhiisa ayaa gudbiyay codsi ah in la fasaxo xagaagan, inkastoo qandaraaskiisa uu gaarayo ilaa xagaaga 2023.
Sida laga soo xigtay wargeyska L’Equipe ee dalka faransiiska Paris Saint-Germain ayaa ka fiirsaneysa inay la saxiixato Lewandowski, si loo xoojiyo weerarka kooxda oo ay ku jiraan seddexda ciyaaryahan ee Kylian Mbappé, Lionel Messi iyo Neymar Jr.
Paris Saint-Germain ayaa ka warqabta in heshiiska uusan noqon doonin mid fudud haba yaraatee, marka loo eego in ciyaaryahanka uu ku adkeysanayo inuu ku biiro Barcelona.
Yeelkeeda, Barcelona ayaan ilaa hadda ku guulaysan in ay heshiis la gaarto Bayern Munich marka loo eego dhaqaale xumada soo food saartay kooxda.
Gool FM.