(Paris) 11 Okt 2022. Halyeeyga reer Holland ee Marco van Basten ayaa weerar ba’an ku qaaday xiddiga reer Brazil iyo kooxda Paris Saint-Germain ee Neymar Jr, sababa la xiriira hab-dhaqankiisa muranka dhaliya ee garoonka dhexdiisa.
Neymar ayaa sanadihii lasoo dhaafay la kulmayay dhaleeceyn adag oo ku aadan inuu si ula kac ah isku dhulka isugu tuuro, isla markaana uu buun buuniyo kulammada uu ciyaarayo, taasoo uu ku doonayo in uu ku cadaadiyo garsoorayaasha iyo inuu ka carreysiiyo kuwa ka soo horjeeda.
Marco van Basten ayaa sharaxay in Neymar uu si ula kac ah ugu carreysiiyo kooxaha ay xifaaltamaan, marka ay qalad ka galaan isaga, isla markaana uu buunbuuniyo falcelintiisa, Isagoo tilmaamay inuusan jeclayn inuu garoonka ku arko.
Weeraryahanka reer Holland oo saddex jeer ku guuleystay abaal-marinta Ballon d’Or ayaa yiri:
“Neymar, waa ilmo si joogto ah u ooya, waxa uu ka xanaajiyaa ciyaartoyda, marka ay qalad ka galaan isaga, wuxuu ciyaaraa doorka dhibbanaha, waa qof garoonka dhexdiisa ku dhiba.”
Yeelkeeda, Neymar ayaa qaab ciyaareed heer sare ah la qaadanaya Paris Saint-Germain xilli ciyaareedkan, isagoo ku guuleystay inuu dhaliyo 8 gool, islamarkaana uu caawiyay 7 gool kale, 10 kulan oo uu ka ciyaaray horyaalka Faransiiska.
Gool FM.