(Paris) 11 Okt 2022. Wargeyka Marca ee dalka Spain ayaa xaqiijiyay hamiga xiddiga reer France iyo Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappé ee ah inuu ka tago kooxda inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga jiilaalka ee soo socda.
Wargeyska, oo soo xiganaya “RMC”, ayaa tilmaamay in xiriirka ka dhexeeya Mbappé iyo maamulka PSG uu gabi ahaanba burburay, isla markaana uu doonayo inuu baxo bisha Janaayo.
Wargeyska ayaa tilmaamay in Kylian Mbappe uu ka codsaday Paris inay u ogolaato inuu baxo bisha Janaayo, jawaabta maamulka PSG ayaa ahayd inay arrintaas ka caawin doonaan laacibka, laakiin waxay shuruud kaga dhigeen inuusan u dhaqaaqin Real Madrid.
Wargeyska ayaa intaa ku daray in Liverpool ay noqon doonto dookha la filayo Kylian Mbappé haddii uu ku guuldareysto inuu u dhaqaaqo Real Madrid, maadaama ay tahay dooqa kaliya ee horyaala.
Wargeyska waxa uu intaas ku daray in Kylian Mbappé uu dareemayo in Paris Saint-Germain ay isaga khiyaamaysay sababo la xidhiidha balamihii uu helay oo aan la fulin, in saxeexiisu uu ahaa ilaa 2024, ee aanu ahayn 2025, sida ay daaha ka qaaday L’Equipe.
Gool FM.