(Barcelona) 21 Juunyo 2017 24 jirka reer talyaani ayaa lagu soo waramayaa inuu shuruuda gaarka ah kala heshiiyay kooxda Barcelona.
Marco Verratti ayaana ku qasban haatan inuu ku qanciyo maamulka kooxdiisa PSG inay ka iibiyaan Barcelona suuqa xaggaagan sida ay baahisay CalcioMercato.
Laacibka iyo wakiilkiisa Donato Di Campli ayaa heshiis lagaaray maamulka Barcelona, Lionel Messi ayaana aqbalay in laacibku uu ku soo biiro Barcelona.
Shabakada ayaa sheegaysa in Barcelona aysan diyaar u ahayn in xiriirkii kala dhexeeyay PSG ay u burburiso Verratti dartiis, waxayna ka doonaysaa laacibka inuu soo qanciyo kooxdiisa.
Waxaa xusid mudan in PSG ay u soo bandhigtay Verratti heshiis cusub oo sanadkii uu ku qaadanayo 10 milyan oo euro taas oo ah in kooxdu aysan doonayn iibkiisa.
Gool FM