(Paris) 05 Agoosto 2017. Neymar ayaa loo diiday inuu maanta kulankiisii ugu horreeyay u safto kooxdiisa cusub ee Paris Saint-Germain sida ay xaqiijinayaan madaxda horyaalka Ligue 1 ee dalka Faransiiska.
Horyaalka Faransiiska ayaa furmay iyadoo ay kooxda Monaco guul ku furatay halka PSG ay maanta la ciyaareyso kooxda Amiens.
Kaddib markii uu Neymar dhammeystiray heshiiska rikoodkhka ah ee 222 milyan oo euro waxaa la filayay inuu ka soo muuqdo kulanka ugu horreeya ay PSG ku furaneyso horyaalka xilli ciyaareedka cusub.
Laakiin waxaa iminka soo ifbaxay inuusan kulankiisii ugu horreeyay maanta u safan Karin maadaama uusan helin ansixinta caalamiga ah waqtigii loo baahnaa sida ay warineyso wakaalada wararka ee AFP.
Warqadaha rasmiga ah kama aysan imaan La Liga waqtiga saxda ahaa. Taas ayaana ka hor joogsatay Neymar inuu kulankiisii ugu horreeyay isla maaanta ka soo muuqdo kooxdiisa cusub.
Gool FM.