(Paris) 07 Agoosto 2017 Kadib saxiixii Neymar, kooxda PSG ayaa markaan u diyaar garoobaysa sidii ay ku soo xerogalin lahayd Kylian Mbappe.
Weerar yahanka reer France ayaa go’aansaday inuu isaga tago kooxdiisa Monaco kadib markii ay ka tageen kooxda xidigihii la qaaday horyaalka xiliciyaareedkii hore.
L’Equipe ayaa baahisay in milkiilaha PSG uu markaan doonayo in kooxdiisa uu u sameeyo weerar seddex afle ah kaas oo ka kooban Cavani, Neymar iyo Mbappe.
Wararka ayaa intaa ku daraya in Kylian Mbappe uu la dhacsanyahay mashruuca PSG, waxaana caawinaya go’aankiisa ku soo biiridii Neymar.
Wuxuuna u arkaa ka garab ciyaarida Neymar mid muhiim u ah waayihiisa, PSG ayaana haatan wada xaajood la bilaabaysa kooxda Monaco.
Kylian Mbappe ayaa noqon doona laacibka labaad ee ugu qaalisan aduunka kadib Neymar, Monaco ayaa horay u sheegtay in 180 milyan oo euro ay ku iibin doonto laacibkeeda.
Gool FM