Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

PSG oo tilaabo uun u jirta dhamaystirka heshiiska Kylian Mbappe

$
0
0

Mbappe 1

(Paris) 24 Agoosto 2017 Kooxda PSG ayaa ku sii dhawaanaysa dhamaystirka saxiixa weerar yahanka reer France ee Kylian Mbappe.

L’Equipe ayaa ogaatay in wadahadalada Monaco iyo PSG ay marayaan haatan meel fiican, waxaana harsan oo kaliya in Monaco ay hesho laacib u ciyaara PSG.

Mbappe

PSG ayaa diyaar u ah in Lucas Moura, Javier Pastore iyo Julian Draxler midkood uu amaah ama si rasmi ah uu ugu dhaqaaqo Monaco.

Kooxda ka dhisan caasimada Faransiiska ayaana kadib bixinaysa lacag dhan 150 milyan oo euro si ay ula wareegto Kylian Mbappe.

18 jirkaan reer France ayaa la dhacsan mashruuca PSG ee xiliciyaareedka cusub, waxaana la ogsoonyahay inuu shuruuda gaarka ah kala heshiiyay kooxda tababare Unai Emery.

Gool FM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles