(Paris) 24 Agoosto 2017 PSG ayaa dadaal dheer ku bixinaysa qaabkii ay ku dhamayn lahayd saxiixa weerar yahanka Monaco ee Kylian Mbappe.
Kooxda ayaana u ogolaanaysa qaar kamid ah ciyaartoydeeda inay qayb uga dhigto heshiiska si kooxdu ay uga badbaado jabinta sharciga dhaqaale wanaaga kooxaha yurub.
Marca ayaa baahisay in milkiilaha kooxda PSG ee Nasser Al-Khelaifi uu u arko Di Maria laacib suurogalin kara in Monaco ay aqbasho iibka Kylian Mbappe haddii qayb looga dhigo heshiiska.
Arinkaan ayaa dhabar jab wayn ku noqonaya doonistii Barcelona ee Angel Di Maria inkasta oo aan la hubin in laacibku uu aqbalayo ku biirida Monaco.
Gool FM