(Paris) 31 Agoosto 2017 Inkasta oo uu ka gudbay tijaabada caafimaadka ee PSG ayaan hadana la shaacin heshiiska Kylian Mbappe uu ugu wareegayo kooxda ka dhisan caasimada.
L’Equipe ayaa baahisay in kooxaha Monaco iyo PSG aysan wali isku afgaran qiimaha lacagta ee laacibku uu ugu wareegayo PSG.
Monaco ayaa doonaysa in PSG ay amaah ku qaadato Kylian Mbappe xaggaagan iyaga oo 180 milyan oo euro ku iibsanaya xaggaaga dambe laakiin PSG ayaa diidan in shardi looga dhigo wada iibsiga laacibka sanad kadib.
PSG ayaa ka warqabta haddii ay aqbasho lacagtaas in lagu soo oogi karo dambi ah in kooxdu ay jabisay sharciga dhaqaale wanaaga kooxaha yurub kadib markii ay 222 milyan oo euro ay ku soo qaadatay Neymar xaggaagan.
Canal+ ayaa xalay baahiyay in heshiiska Kylian Mbappe lagu dhawaaqi doono marka ay soo dhamaato ciyaarta u dhaxaysa caawa xulalka France iyo Holland ee isreeb reebka koobka aduunka.
Gool FM