(Paris) 18 Sebt 2017. Neymar wuu ku fadhiyi karaa €222 million, laakiin taas kama dhigna in uu xaq u leeyahay tuurashooyinka gool ku laadyada.
Laacibka reer Brazilian waxa uu u dhaqaaqay xeyn-daabka laga rido gool ku laadka kaddib markii PSG heshay mid kulankii xalay iyaga oo 1-0 ku hogaaminaya daqiiqadii 78-aad Lyon.
Laakiin Neymar waxa uga horreeyey Cavani goobaabinta yar – Uruguay-yaanka wuu riixay Neymar kahor inta uusan tuuran balse waxaa ka tufay goolwale Anthony Lopes.
Cavani wants to take a PSG free kick, but Dani Alves has the ball and he wants his BFF Neymar to take it pic.twitter.com/JZQzg6Teu4
— Goal UK (@GoalUK) September 17, 2017
Gool ku laadka oo qura ma aha waxa doodad ka taagan yahay – darbo xor ah oo halis ahayd ayaa hadana la’isku qabsaday balse Dani Alves ayaa inta uu kubadda qaaday u dhigay Neymar.
Dhammaan dagaaladaas dhexdooda ah kaddib hadana PSG 2-0 ayey uga badisay Lyon.
Gool FM.