(Paris) 18 Sebt 2017. Tababbaraha Paris Saint-Germain , Unai Emery waxa uu filayaa in Cavani iyo Neymar ku heshiiyaaan gool ku laadka kaddib markii ay ku mureen ciyaartii xalay ee Lyon.
PSG waxa ay halkeedii ka sii waday guuleheeda 100%-ka ah ololahan iyaga oo laba gool iska dhalis ah [Own Goals] uga badisay Lyon – laakiin waxaa ciyaartaas hareeyey gool ku laadkii la isku qabsaday.
Emery waxa uu sheegay in arinta xalkeeda uu u dhaafi doono Cavani iyo Neymar balse uu soo faragalin doono haddii ay daruuri noqoto.
“Gool ku laadyadda dhawr ciyaaryahan ayaa tuurta, mid waa Cavani kan kalena waa Neymar,” ayuu yiri.
“Gabigeeduba waxaa ku filan heshiis reer magalnimo ah oo lagu gaaaro garron si loo tuuro.
“Wixii intaa ka dambeeya si hoose ayaan u qorsheyn doonnaa kuwa soo socda, maxaa yeelay waxaan qabaa labaduba wey dhalin karaan, waxaana doonayaa in ay labadooda isku kala badalaan.
“Haddii aan laga heshiin, anaa go’aansan doona. Dooni maayo in ay dhibaato nagu noqoto.”
Gool FM.