(Paris) 18 Sebt 2017. Neymar iyo Cavani ayaa xalay is qab qabsaday intii ay socotay ciyaartii ay dirqiga uga adkaadeen naadiga Lyon.
Labada laacib ayaa markii hore isku qabsaday Laadka xorta ah cida ridi lahayd, markii dambena xiddiga reer Brazil ayaa rigoore kula dhagay laacibka reer Uruguay kaa oo diiday inuu u tanaasulo iyadoona rigooradii laga qabtay.
Waxaa iminka la warinayaa dhacdadaasi kaddib in Neymar oo saaxiibtinimada boggiisa Istagram kala laabtay Cavani oo uu iska saaray.
Dani Alves ayaa qeyb ka ahaa sheekada oo isku dayay inuu kubbada ka xoogo Cavani si uu saaxiibkii Neymar u tuuro laadka xorta ah.
Warsidaha French Football ayaa sheeganaya in dhaliyaha reer Uruguay uu si xun uga fal celiyay arrinkan kaddib markii ay ciyaartu dhammaatay.
Waxaa la sheegay in 20 daqiiqo gudahood markii laga dhawaajiyay seeriga ciyaarta lagu soo xirayo in Cavani uu xir xirtay boorsadiisa isla markaana ka tagay gegada Parc des Princes isagoona ka dhex baxay asxaabta dhan.
Gool FM.