Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

“Wiilkeygu waa uu u dhaqaaqi karaa Real Madrid laakiin……”– Neymar aabihiis oo hadlay

$
0
0

Image result for Neymar Real

(Paris) 29 Nof 2017 Aabaha dhalay Neymar ayaa ka hadlay wararka wiilkiisa la xiriirinaya kooxda Real Madrid.

Wuxuu sheegay in haatan uu wadahadal la gali karo Real Madrid kaas oo ku aadan qaabkii wiilkiisu uu ugu biiri lahaa kooxda boqortooyada Spain.

Image result for Neymar Real

Balse wuxuu cadeeyay in wiilkiisu uusan haatan ku biiri karin kooxda tababare Zidane, wuxuuse sheegay in saxiixaas uu dhici karo 5 ama 6-sano kadib.

“Suurogal ma ahan in haatan aan ka hadlo wadahadalada, 5 ilaa 6 sano oo heshiis ah ayuu kula jiraa PSG oo dhawaan uun uu ku biiray” ayuu yiri aabaha dhalay Neymar.

“Seddex bil oo kaliya ayaa ka soo wareegtay markii uu ku biiray PSG, haatana waxaa soo baxay warar sheegaya inuu ka tagayo, aad ayeey u adagtahay in laga jawaabo arimahaas oo kale”.

Neymar aabihiis ayaa sheegay in wiilkiisa haatan uusan diyaar u ahayn inuu dib ugu laabto horyaalka Brazil maadama uu joogo halkii uu ku riyoon jiray inuu ka ciyaaro oo ah yurub.

Gool FM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles