Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

“Anoo duq ah baan dhashay anoo yarna waan dhiman.” Ibrahimovic oo sheeganaya inuuba hadda sii shidmayo!

$
0
0

(Paris) 11 Abriil 2016. Zlatan Ibrahimovic ayaa leh inuu dareemayo sidii ugu fiicnayd ibid xilli uu ku jiro da’aadiisa 34 wuxuuna sheeganayaa in sirta guulihiisa ee xilli ciyaareedkan ay tahay inuu go’aansaday inuu aad u yar yahay.

Ibra ee xilli ciyaareed fiican kula raaxeysanaya PSG isagoona dhaliyay 39-gool 42-kulan uu saftay xilli ciyaareedkan tartamada dhan ayaa waxa uu dhacayaa heshiiskiisa dhammaadka kal ciyaareedkan, wuxuuna kabtanka Sweden aaminsan yahay inuu joogo halkiisa ugu sarreysa.

“Marna ma aan fiicnaan,” UEFA ayuu sidaa u sheegay. “Sida aan maanta dareemayo waa sidii ugu fiicnayd ee aan ebid dareemo. Waxaan dhashay anigoo wayn waxaana dhiman doonaa anigoo yar. Taasi waa sida ay u muuqato.

“Waan ka mahadnaqayaa waqtiyada gaarka ah maxaa yeelay waxaan u maleynayaa inay adiga kugu xiran yihiin, waa wax maskaxeed.

“Waxaad u yar tahay fareeshna u tahay sida aad adigu moodo inaad tahay, taasi waa waxaan caddeeyay xilli ciyaareedkan, anigoo sameynaya waxyaabaha aan sameynayo. Sidaa darteed da’du waa tiro uun.

“Adiga ayaa go’aansan kara da’daada inaad yar tahay iyo inaad da’tahay, sidaa darteed waxaan sanadkan go’aansaday inaan aad u yarahay.”.

zlltan

Koobka Champions League ayaa ah koobka uu ka sooman yahay ilaa iminka joog dheeraha wuxuuna yiri isagoo hadalkiisa sii wata: “Waxaan u ciyaaraa koobab, koob kasta aan ku guuleysan karo, waxaan sameyn doonaa wax kastoo karaankeyga ah, naf huristeeda si aan ugu guuleysto.

“Sidaa darteed haddii aan ku guuleysan karno, waxaan dooneynaa inaan ku guuleysano, ciyaartoyda garoonka waxay doonayaan inay ku guuleystaan wax kasta, taasi waa waxaan halkan u joogno, inaan tababaranno, diradda saarno, isku diyaarino aana sameyno, sida darteed aynu aragno.

“Waqti kasta u jeedku wuxuu ahaa inaan meel fog gaarno, laakiin ilaa iminka meel dheer ma aan gaarin. Had iyo jeer waad rajeyn kartaa, laakiin waxaad u baahan tahay inaad bandhig sameyso labada kulan aad ciyaareyso.

“Koox fiican ayaan nahay xilli ciyaareedkan. Waxaana heysanaa khibrad badan xilli ciyaareedkan, sidaa darteed kooxda, maya ma ahan kooxda, aan dhahno kooxda cusub taa oo dib u dhalatay sanado dhowr ah ka hor waxay la qabsatay kulamada sideed dhamaadka.”.

cajiib

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles