(Paris) 13 Dis 2017 PSG ayaa baahisay in Neymar uu dib ugu soo laabtay faransiiska kadib safar dag dag ah oo uu ku aaday dalkiisa.
Ilaa haatan si dhab ah looma oga sababta ka danbaysa safarka laacibka balse waxaa la sheegay inuu soo xalinayay dhibaato yar oo qoyskiisa ah.
Waxaa kale oo la rumysanyahay in Neymar uu u baxay si uu uga qayb qaato xaflada dhalashada aabaha dhalay saaxiibkiis.
Kooxda ayaa si rasmi ah u sheegtay in Neymar uu barri ka qayb qaadan doono tababarka kooxdu ay isugu diyaarinayso kulanka ay u safrayaan kooxda Rennes horyaalka Faransiiska sabtiga.
Laakiin si dhab ah wali looma hubin in 25 jirkaan uu taam u noqon karo kulanka Rennes maadama uu dhawr maalmood ka maqnaa kooxda.
Gool FM