(Monaco) 05 Jan 2018 Kooxaha Liverpool iyo Arsenal ayaa si wayn u doonaya saxiixa laacibka Monaco ee Thomas Lemar.
Labada kooxood ayaa dalabyo waa wayn ka gudbiyay 22 jirkaan reer France, balse maamulka Monaco ayaa diiday in laacibku uu baxo.
Mirror ayaa baahisay in AS Monaco ay markale diidi doonto dalabyada u imaanaya Thomas Lemar oo bartilmaameed u ah Arsenal iyo Liverpool.
Kooxda ayaa iska iibisay ciyaartoy badan suuqii xaggaaga, laakiin suuqa janaayo waxay sheegeen in kooxdu aysan u baahi qabin lacag.
Liverpool ayaa doonaysa inay ku buuxiso booska uu banaynayo Coutinho halka Arsenal ay ka dhiganayso badalka Alexis Sanchez oo ku sii jeeda City.
Tababaraha Monaco ee Leonardo Jardim ayaa xaqiijiyay in kooxdu aysan iibin doonin ciyaartoydeeda suuqa kala iibsiga ee bishaan Janaayo.
Gool FM