Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Jaceyl waa Jiraa oo waxaa kuu caddeynaya Jikaarka uu ku jiro Neymar…(Aqri Sheekadan)

$
0
0

ney

(Europe) 01 Dis 2017. Waxaa dib u shidmay shumicii Jaceylka ee Neymar iyo Bruna Marquezine iyadoo uu xitaa kolkan dareenkiisa qarsan waayay wiilka reer Brazil.

Bishii June ee sanadii dhawaan idlaatay ayay ahayd markii uu Neymar shaaciyay inay kala hareen Bruna taa oo ahayd markii saddexaad ay xiriirka kala jarteen.

Laakiin Jaceylkoodii ayaa dib u shidmay sabtidii kaddib markii ay ku kulmeen xaflad loogu dabaal degayay sanadka Cusub.

Labada mucaashaqiin ayaa si waji kaama lihi ah isku dhunkanayay xabadkana isku galinayay iyagoo xitaa eegeyn dadka goobta kula sugan.

 Neyma and Bruna were spotted smooching in BrazilGabadha aktarada ah iyo wiilka 600,000 usbuucii ka qaatay PSG ayaa si aad u dhow u qoob ciyaarayay.

Neymar iyo Bruna ayaa waxaa si gooni kala ah u marti qaaday saaxiibo dhow balse midkasta wuu ogaa inuu kan kale halkaa iman doono.

markii hore Neymar ayaa saxaafadda u sheegay in dabaal degga sanadka cusub uu ku qaadan doono Bahia.

Balse waxaa la arkayay isagoo diyaaradiisa gaar ah la soo dagaya horaantii sabtida taa oo holcisay qiyaas fikradeedka ah inuu ka faa’iideysanayo fursada uu kula kulmayo Jaceylkiisii waqtiga dheer.

 Neymar is not normally shy when it comes to declaring his love for BrunaSawir qaade Raul Aragon ayaa Instagram ku soo daabacay sawirada lamaanaha oo wada jira wuxuuna taageerayaasha ku foorjeeyay su’aal ahayd: “Waxaad waydiiseen Brumar… Sidaa darteed waa tanaa.”.

Neymar ayaa bishii June ee sanadkii tagay shaaciyay inuu soo afjarmay xiriirka jaceyl ee kala dhexeeyay Bruna. waxay ahayd markii saddexaad ay kala goostaan.

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya saxaafada Brazil in sababta uu xiriirkooda u bur buray ay ahayd in Neymar uu saaxiibtiisa waydiistay inuu guursado.

Sida muuqata Atariishada ma aysan dooneyn inay khatar galiso waayaheeda Atariishanimo waxayna ka biyo diiday dalabka la hor dhigay iyadoona qalibiga ka jabisay Jaceylkeeda.

Laakiin Neymar ayaa had iyo jeer muujin jiray inuu weli muxubo qabo.

A friend told MailOnline in August that Neymar was desperate to marry Bruna, pictured, and dreamed of the celebrity couple becoming the next 'Posh and Becks'. But a friend of Neymar's family told a Brazilian columnist: 'the relationship ended, among other reasons, because he was so clingy'Afar bilood kaddib waxaa soo labo kacleeyay xiriirkooda, Shimbirihii Jaceylka ayaana bilaabay inay dib u wada duulaan mar ay isku arkeen xaflad aroos.

Sida uu sheegayo qof goobjooge ka ahaa xafladaasi in Mucaashaqiinta ay aad isku fiirinayeen iyagoon kala daaleyn.

Balse Nasiib darro xiriirkoodii ayaa markale qarxay oo wayna kala hareen.

Sikastaba labo usbuuc ka hor mar Neymar la waydiiyay suuro galnimada inay dib u heshiiyaan gacalisadiisa ayaa isagoon labo labeyn ku jawaabay:

“Haa, waan ogahay inay midan muran dhalineyso, laakiin Jaceyl badan ayaan u hayaa iyada, aad ayaan uga helaa iyada, Yaa garanaya waxa ay berito xambaarsan tahay.?

DAAWO Lamaanayaasha oo dadka hortooda ku muujinaya Jaceylkooda

W/D: Abdisamed Mohamed Hassan (Black Yare)

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles