(Paris) 31 Jan 2018 Laacibka ugu qaalisan adduunka ee Neymar ayaa ka carooday in kooxdiisu ay dirto Lucas Moura oo ku biiraya Tottenham.
Maanta ayaa la filayaa in Tottenham ay si rasmi ah u shaaciso saxiixa laacibka reer Brazil kaas oo 25 milyan oo Ginni ay uga soo qaadatay PSG.
Neymar ayaa dareensan in isagu uu sabab u ahaa in Lucas Moura uu ka tago kooxda, maadama uusan boos ka helin kooxda tan iyo markii uu yimid, balse wuxuu sheegay inuu hor istaagi lahaa in laacibku uu baxo haddii uu awood u lahaan lahaa.
“Waan caraysanahay aadna waan u murugaysanahay” ayuu yiri Neymar oo ka hadlayay in Lucas Moura uu ka tago PSG.
“Waxaan rumaysanahay in taasi aysan cadaalad ahayn, waa laacib leh awood badan waana walaalkeey, haddii arinku uu yahay mid ku jira gacantayda marnaba kama tageen PSG, laakiin anigu ma ihi milkiilaha kooxda” ayuu sii raaciyay.
Gool FM