(Paris) 03 Feb 2018 Xavi Hernandez ayaa beeniyay waraysi laga faafiyay kaas oo uu ku weeraray falkii uu Neymar ku sameeyay mid kamid ah ciyaartoyda kooxda Rennes.
Mid kamid ah ciyaartoyda kooxda Rennes ayaa dhulka ku dhacay, Neymar ayaase iska dhigay sidii qof caawinaya, wuxuu u soo taagay gacantiisa si uu u kiciyo laakiin gacanta ayuu ag marsiiyay waana uu u ganbiyay.
Falkaas ayaa noqday mid aad looga hadal haayo saxaafada ciyaaraha, waxaana kadib la faafiyay waraysi uu bixiyay Xavi kaas oo ahaa sidaan:
“Dhab ahaan waxaan dareemayaa niyad jab, dhaqanka nuucaas ah ma ahan mid nalagu baray Barcelona,ka tagistiisii Barcelona wuxuu ahaa go’aan u fiican labada dhinac, ciyaartoyda waa wayn ma sameeyaan sidaas, waxaa haboon inuu ixtiraamo ciyaartoyda ka soo horjeeda”.
Laakiin Xavi Hernandez ayaa beeniyay waraysigaas, wuxuuna sheegay inuusan jirin waraysi uu ka bixiyay falkii uu sameeyay Neymar.
Isaga oo la hadlay Mundo Deportivo ayuu yiri: “Waa hadal ay iga abuureen, ma jirto wax waraysi ah oo aan bixiyay”.
Gool FM