(Paris) 06 Feb 2018 Waxaa sii xoogaysanaya wararka Neymar la xiriirinaya kooxda Real Madrid oo bartilmaameed xoogan ka dhiganaysa dhamaadka xiliciyaareed kaan.
Madaxwaynaha akadeemiyada kooxda PSG ee Luis Fernandez ayaa beeniyay wararkaas, wuxuuna sheegay inuu hubo in Neymar uusan ku biiri doonin Real dhamaadka xiliciyaareed kaan.
Fernandez oo waraysi gaar ah siiyay idaacada Cadena Ser ayaa sheegay in PSG marnaba aysan u ogolaan doonin Neymar iyo Mbappe inay ka tagaan kooxda.
“Dab holcaya ayaan gacmaha gashan doonaa haddii Neymar uu ku biiro Real Madrid” ayuu yiri Luis Fernandez oo ka jawaabayay in Neymar uu ku biirayo Real Madrid.
“PSG uma ogolaanayso marnaba Neymar iyo Mbappe inay baxaan, kooxdu waxay ka shaqaynaysaa sidii ay halkaan u sii joogi lahaayeen”.
Gool FM