(Paris) 07 Feb 2018 Dani Alves ayaa xalay gool haye u noqday kooxdiisa PSG kulan ay 4-1 uga adkaatay kooxda Sochaux koobka France.
Goolhaye Kevin Trapp ayaa casaan loo taagay dhamaadkii ciyaarta, waqtigaas oo badalku uu ka dhamaaday kooxda tababare Unai Emery.
Dani Alves ayaana loo xiray gacmo gashiga kooxda PSG, si uu u waardiyeeyo goolka kooxda waqtigii yaraa ee ka harsanaa ciyaarta.
Alves ayaa ku guulaystay inuu difaacdo shabaqiisa daqiiqadihii uu ahaa goolhayaha kooxdiis PSG, mana jirin wax kubadd ah oo u gudbay shabaqiisa.
Angel Di Maria ayaa ahaa xiddiga ciyaarta kadib markii uu u dhaliyay 3-leey kooxdiisa PSG, waxaana xusid mudan in Neymar uu ka maqnaa ciyaartii xalay maadama uu ku jiro dabaal daga dhalashadiisa.
Gool FM