(Paris) 08 Feb 2018 Neymar ayaa kamid ah ciyaartoyda taageerayaasha ugu badan ku leh baraha bulshada sida Twitter, Instagram iyo Facebook.
Laacibka reer Brazil ayaa Instagram-ka ku leh 88 milyan oo taageere, Facebook wuxuu ku leeyahay 60 milyan oo taageere halka Twitter-ka uu ku leeyahay 37 milyan oo taageere.
Sida ay baahisay Marca, Neymar ayaa helaya nus milyan euro marwalba oo barihiisa bulshada uu soo dhigo xayaysiin uu u samaynayo shirkadaha qalabka sportiga ama kuwa kale.
Halkii xayeeysiin ee Neymar uu soo dhigo barihiisa bulshada wuxuu helaa lacag ku dhaw 459 kun oo euro, laacibka ayaa helay 34 milyan oo euro 74-tii xayeeysiin ee u danbaysay ee uu soo dhigay barihiisa bulshada.
Lacagtaas ayaa la mid ah mushaarkiisa sanadlaha ah ee kooxdiisa PSG, waxaana la filayaa in laacibku uu dhaqaale badan ka helo baraha bulshada sanadaha soo socda maadama shacbiyadiisu ay sii kordhayso.
Shirkad walba oo uu barihiisa bulshada xayaysiin ugu samaynayo waxaa waajib ku ah inay bixiso 459 kun oo euro halkii mar ee uu u dhigo, qiimahaas ayaana sii kordhi kara bilooyin kadib.
Gool FM