(PSG) 11 Feb 2018 Laacibka PSG ee Neymar ayaa dadaal u galaya sidii uu taam ugu noqon lahaa kulanka adag ee kooxdiisu ay u martin doonto arabacada Real Madrid.
Xiddiga reer Brazil ayaa xalay kooxdiisa ku hogaamiyay guul ay ka gaartay kooxda Toulouse, isaga ayaana u dhaliyay halka gool ee kooxdu ay ku adkaatay.
Neymar ayaa la dhibtooday xanuun kadib dhamaadkii ciyaarta, waxaana la sheegay in jug badan ay ka soo gaartay labada anqow oo ciyaartoyda Toulouse ay ka garaacayeen intii ay socotay ciyaarta.
Laacibka ayaa soo dhigay bartiisa Instagram-ka sawir isaga oo baraf ku xiray labada anqow, Neymar ayaana haatan dadaal ugu jira inuu taam u noqdo kulanka Real Madrid.
26 jirkaan ayaa xaqiijiyay inuusan dareemayn wax xanuun ah, taas oo niyada u qaboojinaysa taageerayaasha PSG oo ku rajo wayn inuu taam u noqdo kulanka arbacada.
Gool FM