(Paris) 11 Feb 2018 Kooxda reer France ayaa khiyaantay laacibka Real Madrid ee Cristiano Ronaldo kadib heshiis dhex maray labada dhinac xiliciyaareedkii hore.
Wakiilka Ronaldo ee Jorge Mendes ayaa heshiis la gaaray PSG xiliciyaareedkii hore, labada dhinac ayaa isku afgartay in Cristiano uu ku biiro PSG sida ay baahisay Express.
Heshiiska waxaa qayb ka ahaa in PSG ay bixiso lacag kor u dhaafaysa 100 milyan oo euro si ay ugu qanciso Real Madrid iibka Ronaldo iyo sidoo kale inay ka dhigto laacibka reer Portugal xiddiga ugu mushaarka badan adduunka.
Laakiin PSG ayaa ka baxday heshiiskii ay la gaartay Ronaldo markii uu dhamaaday xiliciyaareedka, waxayna heshiis la gaartay Neymar kaas oo ay ku soo qaadatay lacag dhan 222 milyan oo euro.
Ronaldo ayaa isku dayi doona arbacada inuu ka aarsado PSG isla markaana uu tusiyo inay ku qaldameen markii ay ka doorteen Neymar.
Wararka ayaa intaa ku daraya in Ronaldo wali uu qorshaynayo inuu ka tago Real Madrid dhamaadka xiliciyaareed kaan, kadib markii uu fashil ku dhamaaday qorshihii uu dajiyay xiliciyaareedkii hore.
Gool FM