Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Edinson Cavani oo baqdin ka muujiyay Cristiano Ronaldo ka hor kulanka Champions League

$
0
0

(Paris) 12 Feb 2018 Weerar yahanka kooxda PSG ee Edinson Cavani ayaa baqdin ka muujiyay laacibka waqtiga xun ku jira ee Cristiano Ronaldo.

Edinson Cavani ayaa sheegay in Ronaldo uu isaga ka khibrad badan yahay isla markaana uu yahay laacib garanaya sida looga gudbo waqtiyada adag.

Wuxuu intaa ku daray in Ronaldo uu yahay laacib awooda inuu hal kulan ku helo dhiiro galin isla markaana uu sidaas uga baxo waqtiga adag.

Image result for Cavani Ronaldo

“Ronaldo wuu iga khibrad badanyahay, si buuxda ayaan ugu kalsoonahay inuu garanayo sidii uu uga bixi lahaa xaaladaas” ayuu yiri Edinson Cavani ka hor kulanka Real Madrid.

“Waan rumaysanahay in xaaladaas aysan ka dhigayn mid aan fiicnayn, waad ogtihiin in arimahaas oo kale ay dhacayaan laakiin hal kulan oo kaliya ayuu dib ugu heli karaa dhiirogalintiisa”.

Waxaa xusid mudan in Ronaldo uu habeen hore kooxdiisa ku hogaamiyay guul kadib markii uu 3-leey ka dhaliyay Real Sociedad.

Gool FM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles