(Turin) 13 Abriil 2016 Kooxda Juventus ayaa laga sugayaa inay ku dhaqaaqdo laba qorshe midkood si ay u hesho weerar yahanka gadoodsan ee PSG Edinson Cavani.
TuttoSport ayaa shaaca ka qaaday in maamulka Juventus looga fadhiyo inay iska fasaxaan Alvaro Morata iyo Mario Mandzukic midkood si ay u helaan saxiixa Edinson Cavani.
Qorshaha hore ayaa ah in Juve ay Morata dib ugu celiso Real Madrid dhamaadka xiliciyaareed kan isla markaana ay la soo wareegaan Cavani.
Qorshaha kale ayuu ku sheegay wargaysku in Juventus ay iska fasaxdo Mandzukic oo ay aad u doonayso Tottenham isla markaana ay keensato Cavani.
Juventus ayaa u baahan inay iska iibiso labadaas weerar yahan midkood si ay lacag ugu hesho soo iibsiga 29 jirka reer Uruguay.
Gool FM