(Paris) 23 Feb 2018 Kooxda reer France ee PSG ayaa qorshaynaysa inay dhabar jabiso kooxda Chelsea oo ay isku haystaan saxiixa tababaraha reer Spain ee Luis Enrique.
Wargayska Sport ayaa sheegay in PSG ay ka dhiganayso Luis Enrique bartilmaameed keeda koowaad ee badalka Unai Emery kaas oo ay iska fasaxayso bisha June ee sanadkaan.
Maamulka sare ee PSG ayaa u arka Luis Enrique tababare xalin kara qilaafka xoogan ee haatan ka taagan ciyaartoyda dhexdooda, maadama uu 3-xiliciyaareed tababare u soo ahaa Barcelona oo markaas uu u ciyaarayay Neymar.
Chelsea ayaa isbuucyo ka hor isku dayday saxiixa Luis Enrique, balse tababaraha reer Spain ayaa diiday inuu qabto shaqada Blues maadama uusan doonayn inuu dhexda ka galo shaqo qabyo u ah tababare kale.
Labada kooxood ayaa si wayn ugu dagaalami doona saxiixa Luis Enrique kaas oo 9-koob u qaaday Barcelona oo uu ku jiro Champions League.
Gool FM