(Paris) 24 Feb 2018 Tababaraha kooxda PSG ee Unai Emery ayaa sheegay in Neymar uusan hubin inuu ciyaari karo kulanka barri ee Marseille.
PSG ayaa marti qaadi doonta kooxda Marseille habeen dambe, Neymar ayaana loo badinayaa inuu seegi doono kulankaas sida uu xaqiijiyay tababare Emery.
Wuxuu sheegay in Neymar uu xanuunsanyahay, wuxuuna ku xiray ciyaaridiisa kulanka barri inuu sifiican tababarka uga qayb qaato maanta oo sabti ah.
“Neymar waa uu xanuunsanyahay, waxaan rajaynayaa inuu ku jiro xaalad fiican oo uu ka qayb qaato tababarka maanta si uu u ciyaaro axada” ayuu yiri tababare Unai Emery.
“Anigu ma ihi dhaqtar, dhaqtarku wuxuu ii sheegay in Neymar uu xanuunsanyahay, waa xanuun la mid ah kii Lassana Diarra uu la dhibtoonayay shalay”.
“Ma ahan dhaawac laakiin waa xanuun dhanka caloosha ah iyo qandho jirka intiisa kale ah”.
Gool FM