(Paris) 25 Feb 2018 Kylian Mbappe ayaa ka qayb galay kulan looga hadlayay sidii loo hormarin lahaa kubadda cagta Afrika, waxaana soo abaabulay madaxwaynaha Fanasiiska.
Kulankaan waxaa ka soo qayb galay xiddigii hore ee AC.Milan iyo AS Monaco ee George Weah oo haatan ah madaxwaynaha dalka Liberia iyo sidoo kale Didier Drogba.
Xiddiga reer Cameroon ee Assou-Ekotto oo horay u soo maray Tottenham ayaa ka carooday in Kylian Mbappe uu ka hadlo hormarinta kubadda cagta Afrika, maadama isaga oo ka soo jeeda Afrika uu doortay inuu u ciyaaro xulka qaranka France.
Ces joueurs africains qui tiennent l’Afrique dans leurs cœurs et qui veulent aider le sport africain bla-bla-bla bla tout en se battant avec un coéquipier sur la scène internationale en 2014….
Vous me faites doucement rire…mais ça ce sont vos valeurs @AssouEkotto pic.twitter.com/cHYqErga7e— Kylian Mbappé (@KMbappe) February 23, 2018
Mbappe waxaa iska dhalay aabe ka soo jeeda Cameroon iyo hooyo Algerian ah, balse wuxuu doortay inuu u ciyaaro xulka qaranka France.
Assou-Ekotto ayaa ku soo qoray bartiisa Twitter-ka:
“Ciyaartoydaas yurubiyaanka ah ee asal ahaan ka soo jeeda Afrika ee qalbiga ku haysta Afrikaanimada oo doonaya inay caawiyaan kubadda cagta Afrika, waa halkaas dhibaatadu waayo isla waqtigaas waxay doorteen inay u ciyaaraan xul yurub ah, Runtii waad iga qosol siinaysaan”.
Balse Mbappe ayaa si kulul ugu jawaabay Assou-Ekotto, wuxuuna soo xusuusiyay dhaqanxumadii uu kula kacay koobkii adduunka ee 2014 saaxiibkiis Benjamin Moukandjo, wuxuuna soo qoray:
“Ciyaartoydaas Afrikaanka ah ee qalbiga ku wahaysta Afrikaanimada ee doonaya inay caawiyaan kubadda cagta Afrika, waa halkaas dhibaatada laakiin waxay koobkii adduunka ee 2014 kula dagaaleen asxaabtooda, waad iga qosol siinaysaan, laakiin kaasi waa dhaqankiina”.
Gool FM