(Europe) 27 Feb 2018. Neymar ayaa dhaawac daran ka soo gaaray kulankii dhawaa ay ka adkaadeen naadiga Marseille waxaana aad loo hadal hayay haddii uu taam u noqon karo kulanka Real Madrid ee Champions League.
Balse kulanka Real Madrid iskaba dhaafee waxaa la sheegayaa inuu laacibka garoomada ka maqnaan doono Lix ilaa Sideed Usbuuc.
Wiilka reer Brazil ayaa garoonka looga saaray Bareelo isagoo waliba ilmeynaya.
Warar soo ifbaxay ayaa xaqiijinaya inuu la dhibtoonayo barar canqowga ah iyo walib Jab lafaha Cagta ah.
Inkastoo ay PSG war ka soo saartay nuuca dhaawaca Neymar balse weli war kama soo saarin muddada uu si Rasmi ah garoomada uga maqnaan doono.
Laakiin waxaa la aaminsan yahay in dhaawaca gaaray uu qaadanayo Lix ilaa Sideed Usbuuc in laga soo kabto taa oo la micno ah inuu seegi doono kulanka lugta labaad ee Champions League ay Todobo beri kaddib ku ciyaari doonaan Paris.
Real Madrid ayaa lugtii hore ee wareega 16 ka 3-1 ku soo cabtay kooxda reer France.
Gool FM.