(Paris) 27 Feb 2018 Tababaraha kooxda PSG ee Unai Emery ayaa calaamadaystay laacibkii uu ka ciyaarsiin lahaa booska Neymar kulanka Real Madrid.
Neymar ayaa si rasmi ah loo xaqiijiyay inuu seegi doono kulanka Real Madrid kadib dhaawac habeen hore ka soo gaaray kulankii Marseille.
Wargayska L’Equipe ayaa baahiyay in tababare Unai Emery uu u calaamadaystay Angel Di Maria inuu buuxiyo booska uu ka maqnaan doono Neymar.
Tababaraha reer Spain ayaa ka fikiraya garab midig iyo bidix midka uu ka ciyaarsiin lahaa Di Maria, wuxuuna qorshaynayaa in laacibka reer Argentina uu burburiyo difaacyada Real maadama uu garanayo meesha ay ka jilicsanyihiin.
Angel Di Maria ayaa xiliciyaareed kaan ku jira qaab ciyaareed aad loola dhacay, wuxuuna kooxdiisa u dhaliyay 14-gool isaga oo abuuray 15-kale.
Gool FM